Duulimaadyada Caalamiga Ah oo Maanta Dib u Bilaabanaya Gudaha Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u fureysa duulimaadyada caalamiga ah oo xayirnaa muddo ka badan Afar Bilood, sababo la xariiray xanuunka Covid-19.

Arrintaan ayaa imaanaysa xilli dib loo furay duulimaadyadii gudaha horraantii bisha July ee tagtay.

Garoonka Aadan Cadde ayaa la filayaa in ay soo gaaraan diyaaradaho laga leeyahay wadamada Turkiga, Qatar, Uganda iyo Itoobiya, kuwaas oo ka mida ah diyaaradaha caalamiga ah ee ka duuli jiray garoonka inta aan xayiraadda lagu soo rogin.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here