Ka Taxaddar.. 4 Caado oo Sababa In Hantidaadu Gubato Adigoon Ka Warhayn

Dunida aan ku noolnahay waa duni badeecadda suuqa taalla ay aad u farabadan tahay. Daqiiqad kastaa waxyaabo cusub ayaa suuqa kusoo kordha; waxaa sahlan inaad si fudud aad wax ku iibsato. Haddii dakhliga kusoo galaa uu wanaagsan yahay; lacagaha sida caadiga ah kaaga baxi kara iyo waxyaabaha cusub ee aad ka maarmi karto marka aad si wanaagsan u maareyso oo aad meel dhigato; hadhow waxay kaaga soo bixi kartaan lacagtaasi meel wanaagsan oo noloshaada iyo tan caruurtaadaba mustaqbalkooda dambe u wanaagsan.

Website-ka “Time” ayaa qoray warbixin ku saabsan 4 dhaqan oo sababa in maalkaaga gubto adigoon ka warhayn, dhaqamadaas ayaa waxay kala yihiin;

1 .Iibsiga Waxyaabaha Cusub

Haddii aad ka mid tahay nooca dadka safafka dhaadheer u gala taleefannada cusub, waxaa waajib ah inaad ogaataa in waqti kastaa uu jiro shay cusub oo suuqa yaalla oo model ah dadkuna ay isla markiiba si aad ah ugu daadaataan una iibsadaan.

2 .Tukaamada qiima dhimista sameeya 

Marar badan waxaa dhacda in tukamaadu ay badeecooyinka qaar qiimo dhimis ku sameeyaan. Marka aad soo iibsato badeeco qiimo jaban ah laakiin aadan si aad ah ugu baahaneyn; qiimahooda jaban oo kaliyana uu kusoo jiito; taasi waxay keenaysaa in markasta aad soo iibsato badeeco jaban laakiin aadan u baahneyn oo caadooyinkaaga ay ka mid noqoto. Haddii ay sidaasi dhacdo waxaad ogaataa in halkaa lacago farabadani ay kaaga lumayaan.

3 . Guriga dibaddiisa ayaad inta badan ka cunteysaa

Haddii quraacdaadu maqaaxi saran tahay, qadaadana hotel-ka ugu fiican lagaaga keeno, waxaad ogaataa adigoon ogeyn in lacagtaadu gubaneyso. Cunnooyinka dibadda laga cunaa waxay dhibaato ku tahay jeebkaaga oo lacago farabadani ka baxayso. Iyadoo ay kuu suurtogalayso inaad raashinka ugu wanaagsan uguna kharashka yar aad gurigaaga ku diyaarsato, inaad suuqa ka cunteysaa waa caado aan wanaagsaneyn.

4 . Ma lihid qorshe aad kharashaadkaaga ku maareyso

Waxaa sahlan inaad kharash farabadan bixiso haddii aadan lahayn miisaaniyad go’an oo aad naftaada ku maareyso, haddii aadan gareyn halka maalkaagu ku gubanayo isla markaana aad xakameyn kari waydo rabitaankaaga; waxaad arki doontaa in deyn badani ku soo raacdo oo adiga daalac laguu raacdo bil kasta;  si kasta oo mushaarkaagu u fiican yahay.

Si kastaba, Dadka intooda badani ma jecla iney miisaaniyad go’an sameystaaan. Sababta ma is waydiisay? Waxay aaminsan yihiin iney si wanaagsan u shaqeeyaan; isla markaana ma doonayaan iney noloshooda xakameeyaan. Xaqiiqaduse waxay tahay inaaney fahamsaneyn  qorsheyntu waxay noloshooda ka bedeli karo. Haddii aad kharashkaaga xakameyso, halka ay wax kaaga baxayaanna aad si gaar ah ula socoto; arrintaasi wax noloshaadan culeys ku noqonaya ma aha; kaama hor istaagayso inaad iibsato waxaad u baahan tahay, danta qorsheynta laga leeyahay ayaa ah, inaad jihayso waxyaabaha howl-tabinta kuu leh ee noloshaada muhiimka u ah, mustaqbalkaaga dambana u wanaagsan.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here