Imisaa Ku Korortay Hantida Bilyaneerada «Dooxada Silicon» Corona Dartii?

Warbixin uu faafiyay wargeyska “Mirror” ee dalka Ingiriiska ka soo baxa, ayaa lagu sheegay in 4 ka mid ah ragga ugu taajirsan dunida ay hantidoodu si aad ah u korortay. Waxaa soo gashay hanti ka badan 184-bilyan oo dolar, laga soo bilaabo dhaqaale xirxirkii ka dhacay dunida ee uu sababay fayraska Corona.

Wargeyskan, waxa uu sheegay in aasaasaahasa “Amazon”, Jeff Bezos, uu noqday ninka hantida ugu badan ay soo gashay; kadib markii uu Axaddi lasoo dhaafay oo kaliya uu faa’iiday 13-bilyan oo dolar.

Hantidiisu waxay noqotay 190 bilyan oo dolar, halka ay markii hore ka ahayd 113 bilyan oo dolar, bishii Marso.

Kororka hantida Bezos, wargeyska waxa uu ku sababeeyay kororka ku yimid qiimaha saamiga shirkadda “Amazon” oo 8% ay ku korortay Axaddii hore; in dadbadani ay u guureen dhanka internetka iney wax ka iibsadaan; xilligan dhaqaale xirxirku uu dunidu ku jirto oo laga wada baqayo fayraska Corona.

Dhanka kale, maamulaha fulinta ee shirkadda gawaadhida ee “Tesla”, Elon Musk, ayaa hantidiisu gaartay 75 bilyan oo dolar, halka bishii Marso ay ka ahayd 25 bilyan oo kaliya.

Koroka Hantida Musk, waxaa sabab u ah saamiga shirkadda oo sare u kacay 270% bishii Marso, qiimaha suuqa ee shirkadda Tesla waxaa hadda lagu qiyaasaa 290-bilyan oo dolar. Sidaasna waxay ku noqotay shirkadda gawaadhida ee ugu qiimaha badan dunida.

Dhanka maamulaha fulinta ee shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg, waxay hantidiisu korortay 92 bilyan oo dolar, halka bishii Marso ay ahayd 55 bilyan oo dolar.

Sidaas oo kale waxaa korortay hantida milkiilaha shirkadda “Microsoft” ee Bill Gates, oo gaaray 118 bilyan oo dolar, halka markii hore ay ka ahayd 98 bilyan oo dolar.

Si kastaba, Bilyaneerada reer Mareykan ee dhanka teknoloojiyadda ka ganacsada si weyn ayay hantidoodu ku korortay kadib Lix bilood oo fayraska Corona uu dunida kusii siqayay, iyadoo ay jirto in dhaqaale fadhiid xooggan uu dunida ka jiro. Maraykankuna uu ku jiro dhaqaale fadhiidkii ugu xumaa laga soo bilaabo 1929.

FG: Dooxada Silicon waa deegaan ku yaalla Koonfurta San Francisco ee gobolka California ee gudaha dalka Mareykanka, halkaa oo ay iskugu tageen xarumaha dhaxe ee shirkadaha waaweyn ee Teknoloojiyadda.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here