Markii Ugu Horreeysay Laga Soo Bilaabo 2011.. Dahabka Oo Jabiyay Xayndaabka 1900-Dolar

Sicirka Dahabka, ayaa Jimcihii ka gudbay xayndaabka 1,900 dolar oo la kala siisanayay halkii Wiqiyad (ounce). Waana heerksii ugu sarreeyay ee loo diiwaangeliyo laga soo bilaabo sanadkii 2011. Xaaladda waxaa sii cakiray khilaafka Mareykanka iyo Shiinaha oo laga cabsi qabo in uu dhibaato u geysto dhaqaalaha Adduunka oo markii horeba la liicliicayay culeyska Coronavirus.

Dahabka ayaa kor u kac sameeyay mucaamilka gacan dhiibka ah oo kordhay 0.7% ilaa uu ka gaaray 1899.68-dolar halkii Wiqiyad.  Waxa uu gaaray $1905.99 dolar, waana heerkii ugu sarreysay ee uu gaaro laga soo bilaabo September 2011.

Sicirku waxa uu kusii socdaa koror dhan 5%, Isbuucii ku kororto. Heerkaasi waa kii ugu sarreeyay ee isbuuc uu tiigsado laga soo bilaabo Marso 27. Heshiisyada gadaal ka bixiska ah ayaa kordhay 0.4%, waxaana lagu kala iibsanayay $1897.5 dolar.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here