Aasaasaha “Amazon” Oo Maalin Kaliya Faa’iiday 13-Bilyan Oo Dolar!

 

Billionaire-ka reer Mareykanka ee Jeff Bezos, ahna aasaasaha shirkadda Amazon, ayaa maalinimadii Axadda faa’iiday 13 bilyan oo dolar. Kadib markii saamiga shirkaddiisu uu sare u kacay 8%.

Fayraska Corona ayaa kaalin mug leh ka qaatay kororka hantida Bezos. Sababtuna waa in dad badani ay ku tiisanaadeed wax ku iibsiga dhanka internetka oo suuqa iney wax u doontaan ay iska joojiyeen. Iyadoo ay jirto in tukaamadii yaryaraa ee laga adeegan jiray ay xiran yihiin wadamo badan, si looga dhowrsado in cudurku uu faafo.

Bezos oo 56 jir ah, ayaa shirkadda Amazon waxa uu ku dhex bilaabay gurigiisa; dhex bartihihii Sagaashamaadkii Qarnigii hore. Shirkaddiisu wey ballaaratay markii hore buugaagta ayaa lagu iibin jiray, kadib waxay isku bedeshay shirkad weyn oo dhanka internetka wax ku iibisa oo daafaha kala duwan ee dunida ka howlgasha.

Bezos, hadda waa ninka ugu taajirsan Adduunka, hantidiisu waxay gaareysaa 172-bilyan oo dolar. Waa sida lagu sheegay tilmaamaha Bloomberg ee qiimeynta billionaire –ada Adduunka.

Bezos, howlaha samafalka waxa uu geliyay 1-bilyan oo dolar sanadkii 2018.  Sidaas oo kale waxa uu ballanqaaday in $10-bilyan oo kale uu gelin doono bankiyada cunnada dunida, si loola tacaalo fayraska Corona ee Dunida faraha ba’an ku haya. Illaa iyo hadda cudurku waxa uu salfaday nolosha in ka badan 620-kun oo qof oo daafaha kala duwan ee dunida ku nool, isla markaana waxa uu haleelay dad kor u sii dhaafaya 15-milyan oo qof.

Laakiin dadka Bezos dhaliila, waxay leeyihiin taageerada uu ku bixiyo danta guud heerkii la rabay ma gaarsiisana, marka loo barbardhigo Bill Gets,  aasaasaha Microsoft oo howlaha samafalka aad ugu horreeya, iyadoo ay jirto inuu Bezos ka hanti yaryahay.   

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here