Maalinta Macdanta Qaaliga Ah.. Dahabka Oo Sare U Kacay Iyo Qalinka Oo Cirka Isku Shareeray

 

Sicirka caalamiga ah ee lagu kala iibsado Dahabka oo sare u kacay in ka badan 1% Talaadadii, iyadoo sidaa loogu diiwaangeliyay heerkii ugu sarreeyay ee muddo 9 sano ah. Sare u kaca Dahabka waxaa sabab u ah hoos u dhac ku yimid qiimaha doolar marka loo eego lacagaha kale ee dunida iyo taageerada lagu dhiirrigelinayo dhaqaalaha uu dhibaateeyay Covid-19.

Sicirka Dahabka waxa uu sare u kacay 1.1%, iyadoo halkii awqiyo lagu kala iibsanayay 1835.30 dolar.  iyadoo ay jirto in waqti sii horreysay uu Dahabku gaaray heerkiisii ugu sarreeyay ee uu tiigsado laga soo bilaabo 2011 iyadoo halkii awqiyo uu gaaray 1,841.01 dolar.

Falanqeeyaasha dhaqaalaha ayaa sheegaya in sare u kaca Dahabka ay ugu wacan tahay qiimo dhac ku yimid lacagta doolar Mareykanka, iyadoo ay jirto in suuqa dhaqaalaha Adduunka uu soo hagaagayo.

Tilmaamaha doolar ayaa hoos u dhacay 0.47% marka loo eego lacagaha kale ee la tartamaya, iyadoo sidaa loogu diiwaangeliyay heerkiisii ugu hoosaysay ee uu gaaro muddo 4 bilood ah.

Macdanta kale ee sare u kacay sameysay waxaa ka mid ah; Qalinka, oo kor u kacay 7%, iyadoo halkii awqiyo lagu kala iibsanayay 21.32 dolar, waana heerkii ugu sarreysay ee uu gaaro ilaa 2014.

Palladium, ayaa dhankiisa kor u kacay 5%, halkii awqiyo(ounce), waxaa la kala siisanayay 2,156.71 dolar. Halka Platinum uu kor u kacay 5.2%, iyadoo halkii awqiyo la kala siisanayay $886.97.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here