Hoggaamiyaasha Yurub Oo Ku Heshiiyay Xirmo Lacageed oo Loogu Talogalay “Dib-u- Kabashada Corona”

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub, ayaa heshiis gaaray subaxnimada Talaadada, waxay ku heshiiyeen lacagihii dib-u-kabashada dhaqaale ee loogu talogalay 27-ka dowladood, si ay uga kabsadaan dhibaatada dhaqaale ee fayraska Corona.

Mas’uuliyiin ka tirsan Midoyga Yurub, ayaa sheegaya in xirmada lacagta ah ee dib u kabashada ay gaarsiisan tahay 750-bilyan oo euro oo deeq iyo amaah iskugu jirta. Si loo waajaho dhaqaale fadhiidka ka dhashay Cudurka.

Mas’uuliyiin shirka goob joog ka ah ayaa sheegay: “In natiijada markii dambe la isla ogolaaday oo la heshiiyay.”

Warkani markii uu soo baxay ayaa lacagta Euro ay gaartay heerkeedii ugu sarreysay muddo 4 bilood ah marka loo eego lacagta dolarka, iyadoo lagu sarrifayay halkii Euro 1.1470 dolar.

Madaxweynaha Faransiiska  Emmanuel Macron, ayaa soo dhaweeyay tallaabadan taariikhiga ah, isagoo sida ay wax u dhaceen uga falceliyay qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay “Maanta waa maalin Taariikhi ah.”

Macron, waxa uu cabbiray dareenkiisa sida uu ugu faraxsan yahay natiijada shirka oo maalimihii lasoo dhaafay la isku mari la’aa. Waxaa isku hayay Faransiiska iyo Jarmalka oo dhinac ah iyo dowaladaha “frugal four”( Netherlands, Sweden, Denmark iyo Austria) oo dhan kale kasoo jeeda.

Khilaafku waxa uu ka jiray ansixinta qorshaha oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee taariikhda la meelmariyo, waxaa loo adeegsanayaa amaah wadareed. Qorshahani waa miisaaniyad muddo fog loogu talagalay(2021-2027), qiimaha ku kacayaana waa 1074-bilyan oo Eruo.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here