Sicirka Dahabka Caalamka oo Gaaray Heerkiisii Ugu Sarreeyay ee Uu Tiigsado Muddo 9-sano Ah

Sicirka Dahabka ee Caalamka ayaa ,Talaadadii, gaaray heerkiisii ugu sarreeyay ee uu gaaro muddo 9 sano ah, isagoo ka faa’idaystay sicirka faa’iidada oo hooseeya iyo baqdin hor leh oo laga muujinayo rogaal celinta labaad oo uu sameeyo fayraska Corona ee dunida faraha ba’an ku haya.

Sida ay sheegtay wakaaladda “Bloomberg”, waxaa sare u kac laga dareemayaa sicirka dahabka oo sare u kacay 1.3%, waxa uu gaaray 1804 dolar halkii Awqiyo (ounce) ee dahab ah ee Suuqa  New York. Waana heerkiisii ugu sarreeyay ee uu gaaro laga soo bilaabo Nov 2011.

Khubarada dhaqaalaha falanqeysa ayaa sheegaya iney jirto sare u kac ku yimid raadinta iyo dalabka Dahabka oo maalgashigiisu kordhay 20% sanadkan, iyadoo ay sababtu tahay dhibaatada COVID-19 iyo dhaqaale xirxirkii ka dhashay, arrintaas oo keentay in qiimaha Dahabka uu marwalba sare u kac sameeyo.

Dadka uu ku dhacay fayraska Corona ayaa waxay kor u dhaafeen 10-milyan, welina si dhakhsiyo ah ayuu dunida ugu sii faafayaa, arrintaas oo maalgashadayaasha ku riixday iney dahabka doorbidaan, si ay uga dhowrsadaan khasaare lixaad leh oo soo gaara, maadama uu dahabku yahay maalgashi xilli kasta la isku aamini karo.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here