Ganacsatada Kalluunka Oo Ka Cabanaya Maraakiib Ay Ku Dhibban Yihiin oo Sifo Sharci Darro Ah Uga Kalluumeysta Xeebaha Dalka

Wiil yaroo Soomaaliyeed oo kalluun madaxa ku sita. Meeshadan waa Muqdisho, amintuna waa November 3, 2007. REUTERS/Ismael Abdi(SOMALIA)

Ganacsatada Kalluunka ee ka xoogsada suuqyada Muqdisho qaarkood, ayaa ka cabanaya maraakiibta sharci darrada uga  kalluumastay xeebaha dalka.

Qaar ka mid ah kalluumasatada oo aan kula kulannay suuqa Xamarweyne ayaa waxay noo sheegeen sida ay ugu dhib qabaan maraakiibta ka kalluumaysatay xeebaha dalka oo xilliyada qaar ay ku khasban yihiin iney ka aag baddashaan. ‘Garmaqaate’ oo ka mid ah gacnasata ayaa noo sheegay : “Wixii aan isha saarnay ayaa ka hadli karnaa ani ahaan, dadka qaar shabaq ayay dhigtaan Mallaayga waa laga bililiqeystaa. Badley ahaanta markaan ka hadleynno Mallaayga xooggiisa dadkaa shisheeye ayaan naga cunaan.”

Sidoo kale, Cabdiqaadir Cabdullahi Maxamuud, ayaa sheegaya in doomaha ay wataan qaarkood ay maraakiibtu ku istaagaan oo halkaa uu khasaare kasoo gaaro: “Maraakiibta qaar habeenkii si tixsi ah camal ayay matoorada nooga istaagaan, Mallaayga hadda Ceelmacaan iyo halkaas ayaa ka aadnaa. 10-kii Matoor 8 ayaa ka soo badbaadda. Waxa kale meel lagu sheego ma naqaanno, maraakiibtan saa’id ayaan dhib ugu aragnaa.”

Axmed Mu’min Abiirkar, ayaa dhankiisa noosheegay in uu iska dhaafay inuu badda kalluun ka raadiyo laba arrimood oo jira darteed, xilligii xagaaga oo lagu jiro oo Markab mooyaane aan doon si sahlan wax ku daban Karin, iyo maraakiib ka awood badan oo dhibaato ku haysa : “Badda waan iska dhaafay, xilliga xagaaga ah ayaan dhib aad u xoog leh la kulannaa, dhibkiina waa Maraakiibta badda ka kalluumaysaneysa ma laga kalluumeysan karo, xabadeyn nagu soo tuuraayaan, dad badani way ku dhammaadeen, waan iska dhaafnay hadda, xilli xagaaga lagu jiro maraakiib mooyaan doon ma kalluumaysan karto.”

Si kastaba, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 24 Juun, 2020, sheegtay in maraakiib wadata Calanka Dowladda  Iran ay sharci-ddaro ah uga kaluumeysanayaan Badda Soomaaliya.

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here