Dadka Mareykanka oo “Kalabbar” Ay Shaqo La’aan Noqdeen!

 

Kalabbar dadka Mareykanka ayaa waxay noqdeen shaqo la’aan, tilmaan ay dadka dhaqaalaha falanqeeyaa ku sheegayaan iney muujineyso sida waaxda shaqada Mareykanku ugu baahan tahay dib u kabasho xoog leh, kadib saameyntii fayraska Corona uu ku yeeshay waaxdaas.

Boqolleyda dadka shaqeeya ayaa gaartay 52.8% intii lagu guda jiray bishii May, arrintaas oo ka dhigan in 47.2% dadka Mareykanka ay shaqo la’aan yihiin, waa sida laga soo xiganayo xafiiska tirakoobyada Shaqada ee dalkaasi.

Sida ay sheegtay shabakadda “CNBC”, dhaqaale xirxirka ka dhashay faafitaanka fayraska  Corona, boqollayda dadka shaqeeya bishii Janaayo waxay gaarsiisneyd 61.2%. halka heerka shaqaaleysiintu ay gaartay heerkeedii ugu sarreeysay sanadkii 2000, iyadoo xilligaa boqolleyda dadka shaqeeyaa ay gaartay 64.7%.

Torsten Behaviour, oo ah madaxa dhaqaalayahannada ee “Deutsche Bank”, ayaa yiri: “Sida tirade shaqaalaha aan u gaarsiinno heerkeeda ugu sarreysa ee uu gaaray sanadkii 2000, waxaan u baahannahay inaan abuurno 30-milyan oo shaqo.”

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here