Ka Dib Markii Ay Qaadaceen Shirkadaha Xayeysiimaha … Facebook oo Khasaartay Balaayiin Doolar

Warbixin uu faafiyay website-ka “Bloomberg”, ayaa daahrogay in milkiilaha Facebook ,Mark Zuckerberg, uu khasaaray 7.2 bilyan oo dolarka Mareykanka ah, kadib markii ay xayaysiintii kala noqdeen shirkado dhowr ah oo Facebook ay xayaysiin u sameyn jirtay.

Saamiga “Facebook”, ayaa Jimcihii, waxa uu hoos u dhacay 8.3%, waana hoos u dhicii ugu baaxadda weynaa ee shirkadda soo gaara muddo 3 bilood ah.

Saamiga shirkadda ayaa si weyn hoos u dhacay kadib markii shirkadda “Unilever” oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee xayaysiimaha iyo shirkado kale, ay ku dhawaaqeen iney qaadaceen Bartan Bulshada iyo Baraha kale ee hoos yimaadda ee Instagram uu ka mid yahay.

Hoos-u-dhaca saamiga shirkadda ayaa sababay in qiimaha suuqa ee shirkadda uu hoos u dhaco, 56 bilyan oo dolar, halka hantida Zuckerberg ay hoos usoo dhacday oo ay gaartay 82.3-bilyan oo dolar, waa sida uu sheegayo tilmaaha hantiilayaasha lagala socdo ee Bloomberg.

Shirkadaha Verizon, Coca-Cola, Hershey iyo kuwo kale, ayaa go’aansaday iney joojiyaan iney Facebook iyo baraha hoos yimaadda ay wax ku xayaysiistaan. Iyagoo Facebook ku eedaynaya inaaney qaadin tallaabooyinkii lagama maarmaanka ahaa ee ay ku joojineyso farriimaha iyo qoraallada cunsuriyadda ah iyo macluumaadka marin habaabinta ah ee shirkadda barteeda lagu dhex faafiyo.

Zuckerberg oo arrintan ka falcelinaya ayaa waxa uu sheegay in si gaar ah loola socon doono wararka marin habaabinta ah, iyadoo calaamado gaar ah loo yeeli doono wararkaas si ay dadku iskaga hubiyaan.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here