Ganacsato Soomaaliyeed Oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Gudaha Koonfur Afrika

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay gudaha Koonfur Afrika, kadib weerarro saacadihii la soo dhaafay lagu qaaday goobooda ganacsi.

Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah, ayaa magaalada East London ee gobolka Eastern Cape, waxa ay ku dileen ganacsade Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo Axmed Jeyte, xili lagu weeraray goobtiisa ganacsiga.

Sidoo kale waxaa caasimada dalkaas ee Johannesburg ka dhacay, dhaawac loo geystay muwaadin Soomaaliyeed, kadib markii kooxo ay weerar ku qaadeen, ganacsada la dhawaacay ayaa lagu magacaabaa Cumar Axmed Dhiblaawe.

Kooxihii burcadka ahaa ayaa  weerarradaa ay geysteen kadib isaga baxsaday  goobtii  ay weerareen, ciidamad Booliiska oo howlgal sameeyey ayaa ku guul darreystay soo qabashada kooxahaasi, inta badan ayaa waxaa dalkaasi ka dhacay weerarro ka dhan ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wadankaasi u ganacsi tagay muddo ka hor.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here