Madaxweynaha Bankiga Dhexe Ee Yurub: Waan Ka Gudubnnay Marxaladdii Ugu Adkeyd Dhibaatadii Dhaqaale Ee Uu Sababay “Corona”

Madaxweynaha Bankiga Dhexe ee Yurub ,Christine Lagarde, ayaa sheegtay, Jimcihii, in  “Eurozone” ay ka gudbeen “Marxaladdii dhaqaale ee ugu adkeyd ee uu sababay fayraska faafa ee Coruna, laakiin ay soo kabashada noqon doonto mid filiqsan oo aan nidaamsaneyn.

Lagarde, ayaa hadalkeeda sii raacisay:  “Siday u badan tahay waan ka gudubnay dhibaatadii ugu darneyd, , hadalkaasina waxaan leeyahay anigoo xoogaa welwel ah dareemaya, maxaa yeelay; waxaan ka baqeynaa rogaal celin uu cudurku mar labaad sameeyo.”

Waxay ka digtay in soo kabsashadu ay noqon doonto mid aan nidaamsaneyn oo kala daadsaaaneyni ay jirin doonto,  arrintaas oo ka dhigan in shirkadaha qaar, sida; kuwa  waaxyaha safarka hawada iyo kuwa madadaalada aaney si sahlan ku kabsan doonin, halka shirkadaha kale la filayo iney si xoog ah usoo kabsadaan.

Si kastaba, fayraska Corona ayaa dhaqaale burbur ba’an ka geystay dunida, dartii waxaa loo xiray gancsiga iyo waxbarashada, in kasta oo aad mooddu iney hadda dunidu si tartiib tartiib ah u kabsaneyso oo noloshii caadigeedii kusoo laabaneyso.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here