Iskaashii Ugu Horreeyay Ee Rasmi Ah.. Imaaraatka oo Ku Dhawaaqay Mashaariic Ay Si Wadajir Ah U Fulinayaan Israel

Wakaaladda Wararka Imaaratka ee “Wam”, ayaa , Khamiistii, sheegtay in uu jiri doono iskaashi dhex mara Imaaraatka iyo Israel oo la xiriira dhanka caafimaadka ulajeedkuna yahay in lala dagaallamo fayraska Corona. Iyadoo ay jirto in xiriir dublumaasiyadeed aanuu u dhaxeyn labada dalka ayaa hadan uu xiriir rasmi ah dhex marayaa shirkado Imaaraat ah oo si gaar ah loo leeyahay iyo laba shirkadood oo Israel ah oo si wadajir  u fulinaya mashaariic dhowr ah oo ku aadan dhanka cilmibaarista iyo horumarinta teknoloojiyad lagula tacaalo cudurka Corona.

Imaataarka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay iney Tel Aviv iska kaashan doonaan: “In la fuliyo mashaariic dhowr ah oo wadaag ah oo la xiriira dhanka caafimaadka iyo la dagaallanka Covid-19.”. labo shirkadood oo si gaar ah loo leeyahay oo dalka Imaaraatka ka diiwaangashan ayaa sheegay iney heshiis is-kaashi ah la galeen laba shirkadood oo Israel laga leeyhay, waa sida ay qortay Wakaaladda Wararka Imaaraatka ee Wam.

Ra’iisul-wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, dhankiisa Khamiistii, waa uu xaqiijiyay in uu jiro iskaashi dhex mari doona dowaladda Imaratka oo ku aaddan dhanka la dagaallanka Covid-19, iyadoo la ogyahay inaanuu jirin xariir dublumaasiyadeed oo labadan dalka ka dhaxeeya.

Si kastaba, sannooyinkii ugu dambeeyay ayaa dowladda Israel ay xiriir dadban la lahayd dowladaha Khaliijka oo Imaratku uu ka mid yahay, dowladahan ayaa ku midoobay baqdinta laga qaba isballaarinta Iran ee gobolka.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here