Koror Laga Dareemayo Qiimaha Shidaalka Ee Suuqyada Muqdisho

Dadka ka ganacsada shidaalka ee suuqyada Muqdisho ayaa sheegaya in sare u kac laga dareemayo qiimaha shidaalka ee suuqyada Muqdisho, kadib  saameynta Covid-19 uu ku yeeshay shidaalka oo qiimihiisa aad hoos ugu ridday.

Cabdixafiid Cali Jaamac oo ah maamulaha kaalinta shidaalka ee SomOil  ayaa Goobjoog u sheegay in uu jiro sare u kac qiimaha shidaalka, laakiin weli ay ku khasban yihiin iney qiimaha hoose ku iibiyaan tartan ka jira suuqyada awogeed:

 “Waxaa ugu wacan(Tartanka) suuqa ee shidaalka ayaa aad u sarreeya, shirkadaha shidaalka keena ayaan weli heshiis ka dhaxeyn, shidaalkana iyagaa isku eryaya, waxaa laga yaabaa in qofkaan uu shidaalka iibiyo isagoo aan waxba ka faa’idin ama kan kala ku xumeynaya lana tartamaaya. Tan labaad dadkii oo aaminsan in weli adduunku kala xiran yahay oo shidaalkii jaban yahay oo macaamiishii ay na leeyihiin shidaalkii waa jaban yahay maxaad u qaaliyayseen. Tan saddexaad oo ah ganacsiga qeybo kala duwan ayuu leeyahay, qofbaa jid fadhiya oo caagad ku iibinaya, qofi haan yar ayuu luuqyar kasoo jeediyay, qofna waxa uu sameeyay business-kan intaa le’eg, markaa way kala khasaare badan yihiin, qofka khasaaraha ugu badan ay soo gaareyso waa kan ganacsigan weyn sameeyay. Shaqaale badan ay mushaar ka rabaan, hadana la rabo inuu la qiimo noqdo ninka caagad wax ku iibinaya.”, ayuu yiri Cabdixafiid.

Si kastaba, qiimaha shidaalka ee dunida ayaa si weyn hoos ugu dhacay bilihii dambe, kadib soo shaacbixii caabuqa Covid-19 oo saameyn ku yeeshay ganacsiga iyo socodkii gaadiidka noocyadiisa kala duwan, maadaama ay dad badani guryahooda iskaga nagaadeen si ay uga gaashaantaan cudurka.

Si faahfaahinta warbixinta aad u hesho, halkan hoose ka daawo;

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here