Wejigii Afaar ee Wada Xaajoodka Deyn Cafinta Soomaaliya oo Ka Furmay Magaalada Addis Ababa

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wejiga afaraad ee Barnaamijka deynta cafinta Soomaaliy (SMP4),

Waxaa si gaar ah looga hadlayaa kulankan wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay saddexdii bilood ee la soo dhaafay shuruudaha ku xiran wada hadalka deynta cafinta wejigiisa Afaraad .

Wadahadalka waxaa kale oo ka qeybgalaya wasiirka Qorsheynta XFS iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Inta uu socdo shirka Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha ku leh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadli doonaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyah.

Wasiirka Maaliyadda Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wadahadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wejiga Afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta.

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here