Dagaalka Dhaqaale ee Mareykanka iyo Shiinaha oo Gaaray Halkiisii Ugu Sarreysay

Dagaalka dhaqaale ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha ayaa gaaray halkiisii ugu sarreysay August.  kadib markii canshuur dheeraad ah ay labada dhinac isku soo rogeen, arrintani ma keeni kartaa in labada awoodood ay iskugu keento miiska wada hadalka? Mise waxeyba hordhac u sii noqon kartaa dagaal kale oo ka ballaaran?

Canshuurtan dheeraadka ah ee Mareykanku kusoo rogeen Shiinaha ayaa fulinteedu waxey bilaabatay Axaddii la soo dhaafay, dagaalkan cusub ayaa waxa uu bilowday kadib markii bishii August uu Mareykanku uu kordhiyay canshuurtii hore oo qiimaheedu ahaa 10% oo uu gaarsiiyay 15% badeecooyinka Shiinuhu u iibgeeyo gudaha Mareykanka oo qiimaheedu uu kor u dhaafayo 300 oo bilyan oo dolar, halka Beijing ay dhankeeda kaga  jawaabtay canshuur u dhaxeysa 5% ilaa 10% oo la saaray badeecadaha Mareykanku ay u iib geeyaan gudaha Shiinaha oo qiimaheedu gaarayo 75-bilyan oo.

Tallaabadan canshuur kordhinta ah ayaa Mareykanku uga golleeyihiin in badeecooyinka Shiinaha, sida; telefishinnada iyo dharka la saaro canshuuro dheeraad ah, arrintaas oo dhibaato ku ah Shacabka danyar  ah ee  Mareykanka ah ee badeeco jaban suuqa uga bartay.  xukuumadda Mareykanku waxey ku khasbanaatay iney dib u dhigto fulinta go’aanka illaa laga gaaro December 15, isku day dadka doonaya iney suuqyada ka tukaameystaan culeyska looga khafiifiyo, maadama xilli ciidaha sanadku ay soo dhow yihiin.

Iris Bang oo ah khabiir ka tirsan ING Group ee adeegyada maaliyadda, ayaa sheegtay in dhacdooyinkan isasoo taraya ee dambe ay aad u wanaagsan yihiin, waxey tilmaantay in madaxweyne Trump ay ku adag tahay inuu dib u gurasho weyn sameeyo, xitaa waxaan la hubin , ayey tiri, in wada hadallada September ay miro dhal yeelan karaan iyo in kale.

Waxey hadalkeeda sii raacisay, haddii ay wadahadallaadsi la iskugu yimaaddo iney adkaan doonto in dhinac uu tanaasul u muujiyo  oo dhinac walba uu go’aankiisa iyo shuruudihiisa gaarka ah ku adkeysan doono.

Goobjoog Biz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here