Wasiiradda Maaliyadda Dalalka Geeska Afrika Oo Kawada Hadlay Hormarinta Dhaqaalaha

Kulankaasi oo ay ka qeybgaleen Wasiiradda Maaliyadda ee dalalka Somalia, Ethiopia, Jabuuti iyo Danjiraha Eritrea u jooga Ethiopia iyo Madaxa Guud ee Maaliyadda  iyo Qorsheynta ee dalka Kenya waxay kaga wada hadleen sidii loo horumarin lahaa sidii loo wadaagi lahaa horumarinta Aragtiyaha ku aadan Horumarinta Hannaanka Dhaqaale iyo Is-dhexgalka ee dalalka ku yaalla Mandiqadda Geeska Afrika.

Kulanka waxaa kaloo diirada lagu saaray dhinacyadda Gaadiidka, Ganacsiga, Beeraha, Caafimaadka, isgaarsiinta iyo in la taageero wanaajinta Xiriiradda ee dalalka Gobalka.

Shirka Wasiiradda Maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika ee shalay lagu qabtay magaalladda Addis Abeba waxaa goobjoog ka ahaa Madax Gobaleedka  Bangiga Adduunka, Agaaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta Afrika ugu qaabilsan Bariga Afrika iyo Madaxa Ururka Midowga Europe ee Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta.

Goobjoog Business.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here