Dowladda Kenya Oo Raadineysa Malaayiin Dollar Oo Dayn Ah

Lacagta deynta ah  ayaa gaareysaa 750 milyan oo doolar si dowladda Kenya ay lacagtani ugu adeegsato misaaniyad sannadeedkaan ka dib markii ay ku guuldaraystay in ay kordhiso dhaqaallaha loo baahan yahay.

Wargeyska Financial Times ayaa horraantii bishan ku warramay in deymaha lagu leeyahay Kenya ay sare u kaceen maadama uu deyn badan kasoo amaahday dalka Shiinaha.

 Waxaana kamid ahaa 4.8 bilyan ee doolar ee lagu dhisay tareenka casriga ah.

 Kenya ayaa markii ugu horreysay wada xaajood kala yeelaneysa bangiga adduunka si uu deyntan u siiyo.

Dowladda ayaa waxaa hadda soo wajahay dhaqaallo xumi baahsan iyadoo Gobollada qaar ay sameyn abaaro ku dhuftay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here