Madaxweynaha Puntiland Iyo Madaxa Shirkadda Dp-World Oo Kawada Hadlay Hormarinta Dekadda Boosaaso

Siciid Cabdullaahi Deni  Madaxweynaha Puntland Mudane ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkada Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaardda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay dhismaha iyo ballaalinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo ka miri dhallinta heshiiska caalamiga ah ee bud-dhigga u ah mashruucani muhiim ka ah.

 Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday in ay dedejindoonto dhammaan hawla la xiriira dhismaha iyo balaarinta dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas balaadhan ee lagu horumarinaayo xiriirka ganacsi, wada-dhalasho, siyaasadeed iyo kan soo jireenka ah ee Puntland iyo Imaaraadka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa kulankan kadib la qaatay kulamo muhiima masuuliyiinta kale ee Shirkadda DP-World, kuwaasi oo salka kuhaya dar-dargelinta dhammaystirka mashruuca dhismaha iyo balaadhinta dekedda magaalada Boosaaso.

Goobjoog Business.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here