Ra’iisalwasaare Kheere Iyo Madaxda Bangiga Aduunka Maxay Kawada Haleyn?

Xasan Cali Kheere iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo Gaaray Maagaladda Washition ayaa kulamo waxa uu  Ra’iisalwasaaraha uu la yeeshay Ku Xigeenka Bangiga Aduunka Xafiz Ghanim, Labada Masuul ayaa ka wada hadlay tallaabooyinka waaweyn ee dowladda Soomaaliya u qaadday dhanka dhib-u-habeynta hay’adaha dowladda, gaar ahaa nidaamka maaliyadda dalka. Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday habsami u socodka dadaallada Soomaaliya looga cafinayo deymaha.

Sidoo kale kulankaan waxaa qeyb ka ahaa  guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Moxamed Cabdullaahi, Hanti-dhowrka Qaranka iyo wasiirka maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb gelaya shirka Guga oo ay iskugu yimaadaan hay’adaha maaliyadda dunida.

Goobjoog Business.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here