Shirka Hormarinta Iyo Dibu Dhiska Soomaliya Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galaan dawladda federaalka, maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, Bangiga horumarinta Afrika iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliya kala shaqeeya horumarinta ayaa looga hadlaa arrimaha horumarineed ee dalka.

Kulanka SDRF oo la qabto bil iyo bar kasta mar ayaa qayb ka ah shirarka ay dawladda federaalka Soomaaliya la yeelato mas’uuliyiinta hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka bah-wadaagta ah ee kala shaqeeya arrimaha horumarinta dalka.

Goobjoog Business.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here