Yariisoow : Waxaa Soo Celin Doonaa Shaqadii Suuqii Cali Boolaay

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow . oo qaar ka mid ah Shacabka degmada Waabari la hadlaayay ayaa sheegay in horay ay usoo celiyeen Waaxdii October ee degmada, islamarkaana dhawaan ay dhismo ku bilaabi doonaan. 

waxa uu sheegay in ay ka go’antahay in ay dib u soo celiyaan  Suuqii Cali Boolaay ee Degmada Waaberi, oo shaqsiyaad guryo gaar ah ay ka dhisteen.

 Waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in ay soo celiyaan dhammaan Hantidii danta ee Shaqsiyaad gaar ah ay gacanta ku hayaan.

Gudoomiye Yariisow ayaa horay ugu fashilmay Ballanqaadyo badan uu sameeyay oo qaarkood ay ahaayeen in soo celin doono jardiinmooyinkii Muqdisho oo ay dhisteen shaqsiyaad gaar ah.

Goobjoog Business.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here