Waxaa Kordhay Khasaraha Ka Dhahay Dab Kakacay Suuq Ku Yalla Nairobi

Goobjoogayaal la hadlay Wargeyska The Nation ayaa sheegay inuu dabku bilowday  Habenimadii Talaadada  ee xilliga dambe  waxa uuna socdayb  ilaa 6-dii subaxnimo ee  talaadii shalay aheed .

Goobjoogayaasha waxay sheegeen inuu dabkaasi baabi’iyey hanti lagu qiyaasay malaayiin Shillinka Kenya, duikaman iyo dhismooyin la deggan yahay.

Inta badan Ganacsatadda uu khasaaruhu soo gaaray ayaa la sheegay inay yihiin kuwa aan ku noolayn nawaaxiga Suuqa, kuwaasi oo saakayto u yimid goobahooda si ay u xisaabaan khasaaraha soo gaaray.

Ma kala cadda waxa sababay dabkaasi, balse, Ganacsatada iyo dadka Deegaanka tuhunsan yihiin in cillad koronto u uka bilowday dabka khasaaraha dhaliyey.

Suuqa lagu magacaabo Toy Market ee Xaafadda Kibeera ee magaalladad Nairobi ayaa ah Suuq Furan oo ay ku yaallaan  ilaa 3,500  oo goobo ganacsi.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here