Baarlamaanka Jubbaland Oo Meel-mariyey Xeerka Biyaha

Waxaa Shalay oo Axad ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ku kulmay xildhibaannada baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Kulankan ayaa ahaa midkii 67-aad ee Kalfadhiga Afaraad, waxaana soo xaadiray 43 mudane, iyadoo looga hadlay xeerka biyaha Jubbaland oo horey usoo meelmariyeen golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Xildhibaannada ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey xeerkan, waxaana hadda uu xeerkan u gudbay dhanka madaxweynaha Jubbaland.

Kulanka kadib waxaa Goobjoog  Business waxaa la hadlay  xildhibaan Maxamed Cali oo kamid ah xildhibanada jubballand isagoo sheegay in sharcigaas uu yahay mid faaido badan u leh shacabka degaanada maamulkaas.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga oo dhan :-

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here