Shirkadda Decathlon : Waxaan Joojinay Iibinta Xijaab Cabasho Laga Keenay

Shirkadda ayaa sheegtay in ay go’aansatay baajinta iibinta dharkaas asturan ka dib markii ay la kulantay “cay faro badan” iyo “hanjabaad aan la malaysan karin.

Siyaasiyiinta Faransiika ayaa sheegay in “xijaabka lagu ordo” uu ka soo horjeedo qiyamka cilmaaniga ah ee dalka, qaar ka mid ah xildhibaannada ayaana ku taliyay in shirkadda aan waxba laga gadan.

Decathlon ayaa markii hore go’aansatay in ay iibiso dharka asturan ee lagu ordo oo haddaba laga heli karo Morocco.

Mawduuca ku saabsan sida dumarka Muslimiinta ah ay u labistaan marka ay mujtamaca soo dhex galayaan ayaa mar kaste muran ka dhaliya dalka Faransiiska.

“Waxaan hadda go’aansannay in aanaan dharkan ku gadin Faransiiska,” ayuu yiri Xavier Rivoire oo ah afhayeenka Decathlon oo la hadlay RTL Talaadadii.

Wakaaladda wararka ee AFP ayuu mar sii horaysay u sheegay “in go’aankoodii hore uu ahaa in ay ciyaaraha ka dhigaan kuwo suuragal u ah dumarka dunida oo dhan”.

Maradan aan xardhanayn oo hal midab laga sameeyay ayaa madaxa qarinaysa balse aan wajiga daboolaynin waxaana lagu waday in iibinteeda laga billaabo 49 dal bisha Maarso.

Shirkadda qalabka ciyaaraha soo saarta ee Nike ayaa xijaabka lagu ciyaaro ku iibinaysay Faransiiska tan iyo sannadkii 2017kii.

Balse shirkaddan Faransiiska laga leeyahay ayaa sheegtay in 500 oo jeer la soo wacay iyadoo dadku ay ka cabanayaan “xijaabka lagu ciyaaro”, iyadoo qaar ka mid ah shaqaalaheeda la caayay kuwo kalana waji ka waji loogu hanjabay.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Faransiiska Agnès Buzyn ayaa warbaahinta RTL u sheegay in dharkaas uusan mamnuuc ka ahayn Faransiiska “waana aragti dumar oo aanan waafaqsanayn. Waxaana door bidi lahaa in shirkadaha Faransiisku aysan aysan suuqgayn.”

 Goobjoog Business.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here