Maxay Tahay Sababta Ay Gacansatada Soomaaliyeed Dalka U Keenaan Badeecooyin Ay Tayadoodu Hooseyso?

Cilmibaaris cusub oo dhawaan soo baxday lagana sameeyay Jaamacadda SIMAD ayaa daaha ka rogtay sababta ay gacansato badan ay dalka u keenaan badeeco tiro badan oo ay tayadoodu hoosayso, arrintaas oo marar badan dhalisa iney dad baadan ku waxyeelloobaan cuduro aan dalka horey uga jirin dadka qaar lagu arko, halka kuwo kale oo dalka ku yaraa ay dad tiro badani ay qaadaan.

Cabdikariim Muxiyiddiin oo ka tirsna macallimiint cilmibaarista jaamacadda SIMAD isla markaana cilmibaaristan hoggaaminayay ayaan waxaan ka wareysannay cilmibaaris ay ka sameeyay gacansiga dalka oo ay is barbardhig ku sameynayeen silsildda gadashada ee gacansatada alaabta cayriin dibadda ka keenta ee sii warshadeysa iyo kuwa alaabta dibadda lagu soo warshadeeyo gudaha dalka ku iibiya.

Cilmibaaristooda waxaa u soo baxday in gacansata guud ahaan nooc kasta oo ay ka kooban yihiin in aaney ka kaftamin tirada, halka tayada cid iska xilsaartaa aaney jirin.

Cilmibaaristan ayaa khubarada ku hawlaneyd ay ka shaqeynayeen muddo sanad ah oo ay ku qaadatay iney xog farabadan ku uruuriyaan kuna dhiraandhiriyaan natiijada.

 Cabdikariim Muxiyiddiin oo daraasaddan ka waramayaa waxa uu yiri: “Daraasadda markii aan eegnay waxaan fiirineynay nooca ha’yadagaha ganacsi, waxey iskugu jiraan, qof gacansade ah oo alaab diyaarsan inta uu soo gato sii gada, ama qof alaab cayriin inta uu soo gado sii warshadeeya, warshado yaryar ayaa jiro; warshadaha biyaha sameeya, warshadaha bacaha sameeya, warshadaha joodariga sameeya, markaa waxaan eegaynnay adeeg bixinta qolooyinka waxsoosaarto iyo qoladaa wax dhammeystiran intay soo gadato sii gadda, yaa labadooda silsiladdoodu tabar daran tahay.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay:  “Waxaan noosoo baxday in waxyaabaha ku saabsan tirada ama ha ahaato qofka Soomaaliga ah ee gacansadaha ah oo dunida kale wax ka keenaayo ama ha ahaado qofka caadiga ah oo macmiilka ah oo alaabtii la siinaayay, labadooduba tirada kama kaftamaan, tiradaasi haddii ay noqon weydo saameyn goonni ah ayey u leedahay, laakiin marka la yimaaddo tayada, gacansadaha alaabta dibadda ka keenaya tayadu macno badan uguma fadhido, qofka Soomaaliga ah ee Suuqa joogana, tayada waxa uu ka doorbidayaa tirada, arrintaas ayaana keenaysa in alaabo maalin walba la isticmaalayo oo cunto ay ku jirto oo waxa jirka la marsanayaa ay ku jiraan oo dawo ay ku jirto ay dalka yimaadaan iyagoo tamar darran oo aan tayo lahayn, tiina ay keento in dad badan ay dhibaato ka soo gaarto.”

Talooyinkii Cilmibaarista

1- Talada ugu horreysa dadka gacansatada ahiney Alle SW ay ka cabsadaan, gacansiga akhlaaqdiisana ay dhowraan oo aaney waddankan keeni wax ay tayadoodu xun tahay.

2- Dowladda iyo dadka siyaasadda ka shaqeeya waxey u soo jeedisay, in waddanka uu u baahan yahay nidaamkii ilaalinta tayada badeecadda, maadaama ay ma’uuliyaddu saaran tahay dadka madaxda ah oo shacabkood iney ilaaliyaan laga rabo.

Goobjooog Business.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here