Magaaladda London Berri Waxaa Ka Furmaya Shirka Shidaalka Soomaliya

Shirkaan ayaa waxaa lagu wadaa in berri oo ah 07Feberayo lagu qabto shir looga hadlayo arimaha shidaalka soomaliya .

shir ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ka qeybgalyaan Qubaro lasocda arimaha sahminta shidaalka soomaliya , sigaar ah waxaa berry la filayaa in Wasaaradda Batroolka ay soo bandhigto Sahmin labadii bil ee la soo dhaafay lagu sameeyay shidaalka bada soomaliya .

dhanka kale shirkaan ayaa wjahay caqabado kala duwan sida in si cad ay uga soo horjeesteen Gudiyada Kheeraadka  labada aqal ee baarlamaanka soomaliya   

Guddoomiyaha guddiga Bay’adda iyo Kheyraadka dabiiciga ah ee golaha shacabka Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed  ayaa waxa uu sheegay in isaga uu shirkaasi ka qeyb galeyn.

Waxa uu sheegay in shirkaasi ka Shaqeyntiisa ay leedahay Wasaaradda Batroolka,isla markaana uu yahay mid ay Wasaaraddu ugu sheegtay in  uu yahay mid lagu beecgeynayaan macluumaadkii laga aruuriyay Xeebaha Soomaaliya ee Kheyradka Shidaalka.

 Isaga oo sii hadayay ayuu sheegay in shidaalka Soomaaliya horay loo sahmiyay shirksna uu yahay mid suuqgeyn ama xayeeysiin ah,hayeeshee qabsoomida shirkaasi uu ahaa mid laga hordhacay oo ay jireen waxyaabo badan oo laga hormarin karay.

Shirkaan looga hadlayo shidalka soomaaliya ayaa laga dhowr sugaa waxyaabaha ka soobaxo marka lasoo gaban gabeeyo

Goobjoog Business.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here