Wasiir Bayle : Uk Taageero Maaliyadeed Ayaan Ka Helnaa

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle  Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan uu la qaatay 04-02 ee ee sanadkaan Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr. David Concar oo ku jira todobaadkiiisii ugu danbeeyay ee xafiiska.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in safiirka Britain ee Soomaaliya ay ka wada hadleen horumarka Maaliyadda,wuxuuna inta uu kulanka socday uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda UK la garab taagan tahay Soomaaliya

 “Waxaan  Isniin la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr David Concar oo ku jira Todobaadkiisii ugu dambeeyay ee Xafiiska,Waxaan ka wada hadalnay horumarka Maaliyadda,  waxaan sidoo kale uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay nala garab taagan yihiin,”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Soomaliya iyo ingiriiska ayaa waxaa ka dhaxeeya  xiriir soojireen ah oo ku saabsan siyaasada iyo dhaqaalaha iyadoo uk ay kamid tahay dowladdaha sida wayn u taageera soomaliya.

Goobjoog Business.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here