Heerka Sicir Bararka Sudan Oo Gaaray Ku Dhawaad 70%

Boqolaal qof oo dibadbaxyo dhigaya ayaa shalay oo Axad ahayd xiray waddo weyn oo gasha garoon kuwa kubadda cagta ah, ka hor inta aysan isku dhicin dadkaasi iyo ciidamada booliska ee ka hortagga rabshadaha.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa sheegaya in 22 qof ay dhinteen tan iyo markii ay muddaharaadyadu billowdeen maalintii arbacada ahayd ee la soo dhaafay, balse saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in tiradu ay intaasi aad uga yar tahay.

Dibadbaxyada ayaa ka dhashay sara-kac ku yimid qiimaha rootiga iyo shidaalka.

Muddadii sanadka ahayd ee la soo dhaafay, waxaa sii sara kacayay qiimaha badeecooyinka qaar ee dalkaasi Suudaan, waxaana heerka sicir bararku uu gaaray ku dhawaad 70%, halka lacagta dalkaasi uu ku yimid qiimo dhac aad u weyn. Lacagta ayaa gabaabsi noqotay maagaalooyinka eec sida caasimadda Khartuum .

Koox dhakhaatiir ah ayaa sidoo kale sheegay in laga billaabo maanta oo Isniin ah ay shaqo joojin billaabayaan, si ay cadaadiska ugu kordhiyaan madaxweyne Cumar Al-Bashiir.

Rabshadihii dhacay shalay oo Axad ahayd ayaa ka dhashay dad ka soo baxayay garoon lagu cayaaro kubadda cagta oo ku yaal magaalada Khartuum.

Dadkani ayaa xiray waddooyinka, waxa ayna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dowladda balse booliska ka hortagga rabshadaha ayaa markii dambe sunta dadka ka ilmeysiiso ku kala eryay.

Mar sii horreysay, ayaa muuqaallo la soo dhigay baraha xiriirka bulshadu waxa ay muujinayeen dibadbaxyo ka socdo meelo badan oo ka tirsan dalkaasi.

Golaha dhexe ee dhakhaatiirta reer Suudaan ayaa sheegay in dhakhaatiiroodu ay arkeen dad dibadbaxayaal ah oo qaba dhaawacyo rasaas oo la keenay isbitaalada, waxa ayna intaasi ku dareen in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacba

Dalka sudaan ayaa waxaa haatan uu wajahayaa xaalad dhaqaale xumo oo aad u liidato kadib Markii qiimaha lacagta ay hoos u dhacday iyadoo sicir bararka uu kordhay .

 Goobjoog Business.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here