New Zealand Oo Shaacisay In Malaayiin Dollar Ugu Deeqday Soomaliya

Dowladda New Zealand ayaa oggolaatay inay labo milyan iyo shan boqol oo kun Dollar ku wareejinayo Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga (ICRC), si  loogu adeegsado Hawlaha Samafalka Aadminimo ee dalalka Somalia iyo South Sudan.

Qoraal ka soo baxay Dowladda New Zealand ayaa lagu sheegay in Abaaraha ka jira Somalia iyo Colaadaha ka aloosan dalka South Sudan inay kordhisay walaaca laga qabo xaalladda Aadminimo ee ka jirta dalalkaasi.

Hay’adda ICRC waxay Kharajkaasi u adeegsan doonta sidii wax looga qaban lahaa Nafaqo-darradda, dhibaatooyinka Kaydadka Cuntadda iyo sidii looga hortegi lahaa Abaaraha ka jira Somalia.

Soomaliya sanadkasta ayaa loogu deeqaa maalyiin dollar ,oo wax looga qabanayo amniga , caafimaadka ,waxbarashada , iyo dhaqaalaha .

Goobjoog Business.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here