Suudaan Oo Dadka Ay Ka Cabanayaan Qiimaha Rootiga Iyo Shidaalka Oo Sare Ukacay

Muddaaharaadyada  ayaa maalintii arbacada ahayd ka billowday magaalada Cadhbara, ka dibna Khamiistii ayay ku faafeen Qadhaarif, Khartuum iyo magaalooyin kale ee dalkaasi Suudan. Dadka ayaa ka cabanaya sarakaca ku yimid qiimaha rootiga iyo shidaalka.

Qiimaha rootiga ayaa dhawaan sarakacay, waxaana dhanka kale sii korodhayay rajada ay dadku ka qabeen dowladda maadaama ay dowladdu gacan ka geysanaysay kabidda badeecooyinkaasi.

Dibadbaxayaashu ayaa gubay xarumo ay leedahay dowladda iyo goobo gaar ah, oo ay ku jirto xarunta dhexe ee xisbiga haya talada dalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in mudaaharaadayaashu ay ku dhawaaqeen slogans oo ku baaqay in ay afgembiyaan xukuumadda Madaxweyne Cumar al-Bashiir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in boolisku ay suntan dadka kaga ilmeeysiiya ku riday in ka badan 500 oo qof oo dibadbaxayaal ah oo shalay oo khamiis ah isugu soo baxay meel hal kilomitir u jirta qasriga madaxtooyada ee magaalada Khartuum.

Dibad-baxayaashu ayaa ku dhawaaqayay ereyo lid ku ah dowladda sida dowladda ha dhacdo.

Sanadkii 2003-dii ayaa waxaa dalkaasi ka dhacay banaanbaxyo xooganaa oo looga soo horjeeday qiimaha shidaalka oo kordhay.

Waxaana Waagaas  ku dhintay dibadbaxyadaasi tiro dad ah oo ka mid ahaa banaanbaxayaasha

Goobjoog Business.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here