Shiinaha Oo Sheegay Inuu Si Gambasho La’aan Ah Uga Jawaabayo Canshuuraha Mareykanka.

Shiinaha wuu sii wadi doonaa inuu iska difaaco Mareykanka, haddii uu canshuuro kale oo dheeri ah uu soo rogo. Sidaa waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Shiinaha Liu Kun

Wareysi uu siiyay Wakaalada wararka Reuters ayuu yiri Liu Kun “Shiinaha wuu ku Jawaabi doonaa si aan ka gambasho laheyn Canshuuraha aan macquulka Aheyn ee Mareykanka”

Khamiistii Mareykanka ayaa dhaqan geliyay canshuuro uu kusoo rogay badeecooyinka Shiinaha oo qiimo ahaan gaaraya $16 bilyan (£12.4bilyan). Shiinaha ayaa dhankiisa cabir la mid ah si degdeg ah uga jawaabay .

Wado hadallo ka socday labo maalin Washington una dhaxeeyay labada dhinac ayaan lagu guuleysan in natiijo wax ku ool ah laga gaaro.

Xiisadda Ganacsi ee sii xumaaneysa ee u dhaxeysa Marekanka iyo Shiinaha ayaa hadda Mareysa canshuur 25% oo la dul dhigay badeecooyinka labada dhinac oo mid walba qiimo ahaan gaaraya $50 Bilyan.

Mareykanka ayaa sidoo kale ku hanjabay waji saddexaad oo canshuuro ah oo la saari doono badeecooyin dalka shiinaha oo gaaraya $200 bilyan, kuwaas oo imaan doonna bisha soo socota.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu canshuuro saari doono dhamaan badeecoyinka shiinaha ee qiimo ahaan ku fadhiya $500 Bilyan, kuwaas oo loo soo dhoofiyo dalkiisa.

Wasiirka Maaliyadda Shiinaha Mr Liu ayaa sheegay in “ Shiinaha uusan rajeyneyn inuu ka qeyb noqdo dagaal ganacsi, laakiinse aysan ka gambin doonin in ay jawaabaan Canshuuraha Mareykanka”

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Haddii uu Mareykanku joogteeyo inuu si wado Canshuuraha annagana dhankiina si la mid ayaan tallaabo u qaadeenaa si aan u ilaalino danaheenna”

Waxa uu sheegay in saameynta xiisaha dagaal ee dhaqaalaha Shiinaha aysan wali caddeyn, wuxuu intaa ku daray in qarashka dowladda la badin doono si loo taageero shaqaalaha ay saameysay.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here