Bangiga Adduunka oo warbixin qaldan ka sameynayay wadanka Chile muddo 4 sano ah

Bangiga Adduunka ayaa warbixin qaldan ka sameynayay wadanka Chile afartii sano ee ugu dambeeyay.

Warbixinta Doing Business ee uu sanad walba Bangiga soo saaro ayaa waxaa muddo afar sano si qaldan loo xisaabiyay qeybta dalka Chile, iyadoo afartii sano ee ugu dambeysay la gelinayay kaalin ka hooseysa middii ay u qalantay.

Paul Romer oo ah dhaqaale yahan ka tirsan Bangiga Adduunka ayaa ogaaday in si qalad ah loo xisaabinayay warbixinta doing business gaar ahaan qeybta dalka Chile, waxuuna dhaqaaleyahankan sheegay in la sixi doona qaladkaas kadibna dib loo soo daabici doono afarta sano.

“Waxaan doonayaa in aan si gaar ah u raaligeliyo dowladda Chile iyo dalalka kale ee aan sawirka qaldan ka bixinay’ ayuu yiri dhaqaale yahan Romer.

Dalka Chile ayaa sanadkii lasoo dhaafay galay kaalinta 55-aad ee kala horreynta dalalka ay fududahay in ganacsi lagu dhex abuuro, waxaana dib loogu noqon doonaa qaabkii loo qiimeeyay sanadkii lasoo dhaafay iyo sadexdii sano ee ka horreysay.

Wax ka badalka qiimeynta dalka Chile waxaa ay saameyn ku yeelan doontaa dalal dhowr ah maadaamaa kala horreynta dalalka qaar ay wax iska badali doonaan.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here