Nairobi – New York: Duulimaadyo toos ah oo si rasmi ah u bilaaban doono

Bisha October ee sanadkan waxaa si toos ah u bilaaban doono duulimaadyada tooska ah ee isku xeri doona magaalooyinka Nairobi iyo New York.

Diyaaradda Kenya Airways ayaa maalinta talaadada ah oo ay taariikhda ku beegantahay 28-ka October ee sanadkan 2018 sameyn doonto duulimaadkii ugu horreeyay oo toos ah.

Shirkadda Kenya Airways ayaa sheeegtay in dadka doonaya in ay raacaan duulimaadkaasi ay hadda iibsan karaan tikidyada iyadoo ay u heli karaan qaab online ah ama iyagoo si toos uga iibsanaya xarumaha shirkadda.

Quburada dhaqaalaha ka faaloota ayaa sheegay in duulimaadyada tooska ah ay saameyn togan ku yeelan doonaan dhaqaalaha dalka Kenya, waxaana xoogeysan doona xiriirka ganacsi ee labada dal.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here