2018: Baasaboorka Jarmalka oo noqday baasabooraka ugu awoodda badan dunida

Liiska sanadlaha ah ee Henley ee qiimeeya baasaboorada dunida ayaa lasoo saaray iyadoo baasaboorka dalka Jarmalka uu noqday midka ugu awoodda badan baasaboorada dunida.

Hay’adda sameysa liiska kala horreynta ayaa ku qiimeysa baasaboorada sida muwaadiniinta haysata baasaboorka ay dal-ku-gal la’aan ugu safri karaan wadamada caalamka.

Sanadkan 2018 waxaa kaalinta koobaad galay dalka Jarmalka oo muwaadiniintiisa ay awood u leeyihiin in ay dalkugal la’aan (visa free) u safraan 177 dal, waana sanadkii 5aad oo xiriir ah oo baasaboorka dalka Jarmalka.

Dalka Singapore ayaa noqday dalka labaad, waxaana muwaadiniinta dalkaas ay awood u leeyihiin in ay si dalkugal la’aan ah u safraan 176 dal oo dunida dacaladeeda ah.

Hadaba halkan hoose ka aqriso liiska tobanka kaalin ee ugu horreeysa ku jira:

1. Germany 177

2. Singapore 176

3. Denmark, Finland, France, Italy, Japan, Norway, Sweden, UK 175

4. Austria, Belgium, Luxembourg, the Netherlands, Spain, Switzerland 174

5. Ireland, South Korea, Portugal, US 173

6. Canada 172

7. Australia, Greece, New Zealand 171

8. Czech Republic, Iceland 170

9. Malta 169

10. Hungary 168

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here