Dowladda Jarmalka oo Suudaan ugu deeqday $98 milyan

Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay in lacag gaaraysa 82 million oo Yuuroo oo u dhiganta 98.4 million oo doolar ay ku taagerayso mashaariic hormarineed oo laga fulinayo dalka Sudan sanadkan aynu ku guda-jirno ee 2018.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Idris Sulaymaan, ayaa sheegay in labada wadan ay kala saxiixdeen heshiiskaan oo loogu talagalay in mashaariic dhinaca hormarinta looga sameeyo gobolka Daarfuur iyo gobolka galbeedka ku yaala kaas oo ku kacaya lacag gaaraysa 7.17 million oo doolar.

Wasiirka ayaa ujeedka heshiiskaan ku sheegay mid lagu taageerayo dugsiyada farsamada ganacanta ee goboladaas ayagoo heli doona qalabka farsamada iyo macalimiin.

Dhinaca kalana danjiraha dalka Jarmalka ee Khartuum, Ulrich Klöckner, ayaa tilmaamay  in mashaariicdaas lagu taageerayo dugsiyada farsamada ee ku yaala labadaas gobol taas oo ku salaysanyahay cilmi-baaris lagu sameeyay baahida dhinaca farsamada ee ka jirta suuqa.

Heerka shaqa la’aanta ee dalka Sudan ayaa gaaray khiyaastii 19%  6 bilood ee ugu horaysay sanadkii lasoo dhaafay sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dalkaas.

Bishii May ee sanadkii hore  dawlada Jarmalka ayaa saxiixday heshiis ku saabsan taageeridda tababarada farsamada gacanta, helida cuda iyo saamaynta cimilada ee gobolka Darfur iyo gobolada barri ee Kassala iyo Gadarif; kaas oo ku kacayay lacag dhan 37 million oo doolar.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here