8 Xaqiiqo oo Ku Saabsan Magaalada Beijing ee Dalka Shiinaha

Muuqaal kooban oo uu World Economic Forum baraha bulshada kusii daayay ayaa lagu sheegay 8 xaqiiqo oo layaab leh oo magaalada Beijing ee magaalo madaxda dalka Shiinaha ay leedahay.

Xaqiiqooyinkaas cajiibka ah ayaa isugu jira kuwa dhaqaalaha la xiriir iyo kuwa dadweynaha ku nool magaaladaas la xiriira.

8 Xaqiiqo

  1. Qiimaha hantida guurtada iyo ma-guurtadaba waxey kordheen 22.5% sanadkii 2016, waana sare kac xawaare badan ku socda.
  2. Dadka ku nool magaalada Beijing waa 21.7 milyan, hase-ahaatee ma aha magaalada ugu dadka badan dalka Shiinaha oo Shanghai ayaa ka dad badan (24.3 milyan ayaa ku nool).
  3. Beijing gaaska dabiiciga ah ayaa loo isticmaalaa korontada, waxaana dhawaan la xeray shirkaddii ugu dambeysay ee coal-ka ka dhalin jirtay korontada. Tallaabadaas waxaa loo qaaday si u yareeyaan hawa wasaqeynta.
  4. 70,000 oo kamid ah tagaasida (gawaarida) magaalada ayaa laga dhigay tagaasi koronto ku shaqeysa si ay wasaqda uga ilaaliyaan deegaanka iyo hawada.
  5. Hantida oo qaali ah awgiis dad badan oo ku nool Beijing ayaa 9 saacadood u safra shaqooyin maalintiiba.
  6.  Beijing waa magaalada ugu sarreysa xagga qiimaha kireynta (guryaha, gawaarida IWM), celceliska kireynta waxey 1.2 ka sareysaa celceliska mushaarka shaqaalaha.
  7. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Beijing waa garoonka labaad ee ugu mashquulka badan dunida.
  8. Sanadka 2022 Beijing waxey noqon doontaa magaalada kaliya ee marti gelisay ciyaaraha Olympics-ka labada xilli ee xagaaga iyo jiilaalka (qoroxeedka).

 

Source: World Economic Forum

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here