Miisaaniyadda Sacuudiga ee 2018 oo noqotay tii ugu badneyd ee dalkaasi uu dagsado.

Dowladda Sacuudiga ayaa shaacisay miisaaniyadda dalkaas ee sanadka soo socda ee 2018. Waxaana ay cadadka miisaaniyadda 2018 uu noqday midkii ugu badnaa ee abid ay yeelato dowladda Sacuudi Carabiya.

Waxaana miisaaniyadda ka muuqda sida dowladda Sacuudiga ay kaga uga go’antahay in dhaqaalaheeda ay ka weeciso shidaalka uuna noqda dhaqaalaheedu mid ku tiirsan ilo kala duwan.

Sanadkan hadda sii dhamaanaya ee 2017 miisaaniyadda Sacuudiga waxaa ayaheyd $250 bilyan halka miisaaniyadda sanadka soo socdana uu noqonayo $261 bilyan taas oo ka dhigan in la kordhiyay 11 bilyan oo doolar.

Marka la fiiriyo miisaaiyadda Sacuudiga ee 2018, lix dal kaliyada ayaa dalka Sacuudiga ka miisaaniyad badan dalalka ku yaalla qaaradda Yurub marka laga reebo Ruushka.

Marka dalka Mareykanka la barbar dhigana waxey Miisaaniyadda Sacuudiga ka badan tahay miisaaniyadda gobolada California iyo Florida, balse marka guud ahaan Mareykanka loo barbar dhigana waxey noqoneysaa 1/15.

Kadib markii sanadkii 2014 qiimaha shidaalka dunida fuustadiiba uu gaaray qiimo ka badan $100 dowladda Sacuudiga waxey Wasaaradaheeda amartay in ay yareeyaan qarashaadka, balse sida ka muuqata miisaaniyadda Sacuudiga ee sanadka 2018 dowladda waxaa ay dooneysaa in ay siyaasaddaasi badasho oo maalgashi badan ay ku sameyso goobaha dalxiiska iyo adeegga dadweynaha.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here