Shirkadda Facebook oo joojisay adeeg la tilmaamay in uu midab-takoor sababi karo

Shirkadda Facebook ayaa joojisay adeeg shirkadaha u ogolaanayay in ay xayeysiimahooda ama qoraaladooda ay si gaar ah u gaarto qowmiyad gaar ah ama dadka laga tirada badan yahay, bogga BBC English ayaa sidaa lagu daabacay.

Shirkadda ayaa si ku meel gaar ah hakad u gelisay isticmaalka adeeggaas iyadoo sheegtay in ay baaritaan ku sameyneyso sida ay shirkadaha u adeegsadaan.

Warbaahin lagu magacaabo ProPublica ayaa shaaca ka qaaday in adeeggaas si khaldan loo adeegsan karo iyadoo dadka qaar midab-takoor lagu sameyn karo sida in xayeysiin dad gaar dhib u keeneysa la-soo geliyo bogga Facebook iyadoo adeeggaas la isticmaalayo.

Dhanka kale shirkadda Facebook ayaa xustay in ay ka go’antahay in ay ilaaliso ammaanka dadka ku xeran barteeda sidoo kalena aanay ogolaan doonin in lagu waxyeeleeyo macmiisheeda.

Bil ka hor ayey aheyd markii shirkadda DOVE ay barteeda Facebook soo gelisay xayeysiin ka careysiisay dad badan oo madow ah kadib markii ay xayeysiintaas u arkeen mid haweenka madowga ah lagu bah-dilayo.

Dhacdooyinka la xiriira cunsuriyadda iyo midab takoorta ee ka dhaca baraha bulshada ayaa isasoo tarayay waxaana la filayaa in talaabadan Facebook ay ku baareyso sida loo isticmaalo adeeggan ay tahay mid xiriir la leh dhacdooyinkaas.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here