Garoonka diyaaradaha Mumbai oo Jimcahii diiwaangeliyay 969 duulimaad

Garoonka diyaaradaha Mumbai ee dalka Hindiya ayaa Jimcahii lasoo dhaafay diiwaangeliyay 969 duulimaad oo maalintaasi kaliya garoonka ka duulay kana soo dagay.

Sida uu saxaafadda u sheegay sargaalka ka howlgala Garoonka Caalamiga ah ee Mumbai, garoonka ayaa 24 saac gudahood diiwaangeliyay tiradii duulimaad ee ugu badneyd abid iyadoo hadafka uu ahaa in maalintaasi uu garoonka marti-geliya 1,000 duulimaad.

Bloomberg ayaa kororkaasi ku macneysay in dhaqaalaha iyo dakhliga dadka Hindiya oo kobcay iyo qarashka duulimaadyada oo la raqiisiyay ay sabab u tahay kororka ku yimid duulimaadyada iyo dadka ku safra diyaaradaha.

Suuqa duulimaadyada ee Hindiya waxaa loo tixgeliyaa in uu yahay dalka 3aad ee ugu duulimaadyada badan marka laga soo tago dalalka Shiinaha iyo Mareykanka.

Ururka Duulimaadyada Caalamiga ah ayaa xusay in sanadkii lasoo dhaafay diyaaradaha laga leeyahay dalka Hindiya ay qaadeen 100 milyan oo rakaab ah, waxaana ururkaasi uu saadaaliyay in tiradaasi ay sadex jibaarmi doonto sanadaha soo socda.

Waxaa intaa sii dheer, shirkadda diyaaradaha ee SpiceJet Ltd. ayaa sheegtay in 97% shacabweynaha Hindiya aanay weligood raacin diyaarad waxaana halkaasi laga dhadhansan karaa in dadka diyaaradaha raaca ay soo badan doonaan sanadaha soo socda.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here