Jeff Bezos oo ay hantidiisa gaartay $100 bilyan kana hormaray Bill Gates

Amazon.com founder and CEO Jeff Bezos on June 18, 2014, in Seattle, Washington. DAVID RYDER/GETTY IMAGES

Jeff Bezos oo ah milkiilaha iyo aasaasaha shirkadda Amazon ayaa markii ugu horreysay noqday qofka ugu hantida badan dunida kadib markii uu Jimcahii ka sare-maray Bill Gates oo muddo Afar sano ah difaacanayay booskaas.

Miilkiilaha Amazon usoo kormaray liiska kala horreynta dadka ugu lacagta badan dunida oo ay si joogto ah u qiimeyso shabakadda Bloomberg ee dhaqaalaha iyo ganacsiga ka faalloota iyadoo ay hantidiisa gaartay $100 bilyan.

Ninkii dunida ugu hantida badnaa Afartii sano ee lasoo dhaafay, Bill Gates ayaa waxaa Bloomberg ay hantidiisa ku qiimeysay $89.1 bilyan taas oo ka dhigan in uu Jeff Bezos ka dambeeyo 10.9 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Warren Buffet ayaa kaalinta 3aad ku jira isagoo hantidiisa ay waqti xaadirkan dhan-tahay $79.7 bilyan, halka kaalinta 4’aad iyo 5’aadna ay ku kala jiraan Amancio Ortega iyo Mark Zuckerberg.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here