Gabadha ugu hantida badan Afrika oo shaqada laga ceyriyay

Madaxweynaha dalka Angola Joao Lourenco ayaa shaqada ka ceyriyay Isabel dos Santos oo madax ka aheyd shirkad weyn oo shidaal oo ay leedahay dowladda Angola.

Isabel dos Santos oo ah gabadh uu dhalay madaxweynahii hore ee dalkaas Dos Santos ayaa waxaa loo tixgeliyo in ay tahay gabadha ugu hantida badan Afrika, sida ay xustay shabakadda wararka ganacsiga ee Bloomberg.

Gabadha ugu qanisan Afrika oo aheyd madaxa shirkadda Sonangol iyo dhammaan madaxdii kale ee shirkadda ayaa xilkii laga xayuubiyay, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Angola.

Wax ka yar laba bilood ayaa kasoo wareegatay markii Isabel aabaheed uu xilka ka dagay kadib markii 40 sano uu dalkaasi xakumayay. Madaxweynaha cusub ayaa markii uu xilka qabtayba ballan qaaday in uu la dagaalami doono musuqa iyo in dad gaar ah ay ilaha-dhaqaale ee dalkaasi xakumaan.

Waxaa intaa sii dheer in qoyska madaxweynahii hore iyo qaraabadiisa ay maamulaan qeybaha ugu badan ee ilaha dhaqaale ee dalkaas, waxaana madaxweynaha u muuqdaa mid bilaabaya fulinta ballan qaadyadiisa.

Laba maalin kahor inta aanu Isabel iyo madaxda shirkadda Sonangol ceyrin waxaa uu madaxweyne Lourence shaqada ka racdeeyay guddoomiyahii Bangiga Dhexe, madaxa shirkadda dheymanka ee Endiama iyo madaxda ugu sarreysa ee sadex hay’ad warbaahineed oo dowladdu ay leedahay.

Booskii Isabel ee Shirkadda Sonangol waxaa ku wareegi doona Carlos Saturnino oo ay iyada horay shaqada uga ceyrisay.

 

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here