Taleefonka Apple X oo cillado yeeshay kadib markii la-daah-furay

Shirkadda Apple ayaa shalay oo Jimco aheyd suuqyada caalamka markii ugu horreysaysoo gelisay taleefonka iPhone X oo si weyn loo sugayay.

Balse arrinta layaabka leh ayaa ah in taleefonka oo wax ka yar 24 saac suuqyada caalamka yaalay uu awoodi waayay in uu active u noqdo dadkii iibsaday.

Si si dhameystiran uu ugu shaqeeyo macmiisha waxuu taleefonka u baahanyahay in internet lagu xero balse taleefonka iPhone X waxuu ku guuldareystay in uu wire-less-ka soo qabsado.

Dad badan oo taleefka iibsaday ayey arrintaasi qabsatay waxaana ay cabashadooda soo gelinayaan baraha bulshada.

Arrintaasi waxey naxdin ku noqotay shirkadda Apple oo aan looga baran in cilado ay soo wajahdo taleefoonada ay soo saaraan.

Shirkadda Apple dhowr mar oo hore suuqyada caalamka ugu faaideystay shirkadda Samsung oo ceebo yeeshay taleefonkooda.

Markan waxey u muuqataa in shirkadda Apple ay wajaheyso weji-gabax maadaama taleefonkii sida weyn loo sugayay ee iPhone X uu ku guul dareystay in uu u shaqeeyo tiro badan oo kamid ah macmiisha.

Shirkadda Apple wax faahfaahin ah kama bixin ciladda ku timid taleefonka ay dhawaantan soo saartay.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here